Xukumada Oo Amar Culus Duldhigtay Shirkada DP World Ee Dekeda Berbera Maamusha
January 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo wali kuk hawlan xalinta sicir bararka dalka ka jira ayaa soo saartay go’aamo la dul dhigay shirkada kala duwan oo loo aanaynayo inay lug ku leeyihiin dhibaatada jirta.
Shirkadaha la dul dhigay go’aamada culus ayaa waxa ka mid ah shirkada gacanta ku haysa maamulka dekeda Berbera ee DP World, taas oo xukuumadu ku amartay inaanay lacagta ka soo baxda dekeda ka saarin dalka.