Ramaax Cali Hayste Oo Loo Magacaabay Gobolkii Lixaad Inuu Gudoomiye Ka Noqdo
January 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxamud Cali Saleebaan(Ramaax)ayaa Markii Lixaad loo magacaabay inuu Noqdo Guoomiyaha Gobolka Qodaalka ah ee Gabiley.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka ka qaadis iyo isku bedel Gudoomiyayaasha gobolada dalka uu sameeyay ugu magacaabay Maxamud Cali Saleebaan(Ramaax)inuu noqdo Gudoomiyaha gobolka Gabiley isaga oo xukumadii hore ee Madaxweyne axmed Siilanyo hogaaminaayayna Ka soo noqday shan jeer Gudoomiye Gobolada Saaxil,Sanaag,Awdal,Sool,Togdheer iyo gabiley oo maanta Madaxweyne Muuse Biixi cabdi umagacaabay.