Maalqabeen U Dhashay Ruushka Oo Furay Gabadh Uu Dhalay Madaxwaye Putin, Iyo Saamaynta Hantidiisii Ku Yeelatay !
January 30, 2018 - Written by Berbera Today
Moscow(Berberatoday.com)-Maalqabeenka u dhashay Dalka Ruushka ee Kirill Northov ayey hoos u dhacday hantidiisii,
sidoo kalena waxa uu waayay xilkii uu ka hayey shirkada Sibur.
Maalqbeen Kirill ayaa la sheegay in sababta dhibaatooyinkaasi ku keentay ay tahay
Furiinka gabadha uu dhalay madaxwayne Putin ee magaceeda la yidhaahdo Katrina
Tihonova.
Lammaanahan ayaa waxay is guursadeen sanadkii 2013kii waxaanu xilligaasi arooskoodii
ka dhacay Magaalada Marrakesh ee Dalka Morocco.
Kirill ayaa waxa la xaqiijiyay inay hantidiisu kor u kacday kadib markii ay Katrina is
guursadeen waxaanay hantidiisu gaadhay Laba Millyaar oo Dollar lacag ka badan,
wakaalada wararka ee The Telegraph oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxay
baahisay in aan gudaha Dalkaasi Ruushka laga ogoleyn in laga hadlo nolosha gaarka ah ee
labada gabdhood ee uu dhalay Madxweyne Putin ee Katrina iyo Marina, balse waxay
xogtaasi sheegaysaa in Katrina iyo saygeedu ay kala tageen ay tahay mid si sir ah loo
helay.