Taliyihii Ciiddanka Nabad-Gelyadda Waddooyinka Ee Gobolka Togdheer Cabdilaahi Soo Fadhiiste Oo Shil Baabuur Ku Geeriyoodday 31/1/2018
January 31, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Taliyihii Ciiddanka Nabad-Gelyadda Waddooyinka Ee Gobolka Togdheer Cabdilaahi Soo Fadhiiste Oo Shil Baabuur Ku Geeriyoodday
Burco(Berberatoday.com) Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyee Taliyihii Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinka Gobolka Togdheer,Marxuum Cabdilaahi Soo Fadhiiste ayaaxalay ku geeriyoodey Shil Baabuur kadib markii uu Baabuur ku jiidhey,agagaarkaHuteelka Cigaal isagoo gudanaya Waajibaadkiisa shaqo.
Marxuum Cabdilaahi Soo Fadhiiste Taliyihii Ciidanka Nabedgalyada Wadooyinka Gobolka Togdheer,waxa loola cararey Cusbitaalka Guud ee Magaalada Burco markii Baabuur Nooca loo yaqaan NOHA ku jiidhey agagaarka Huteelka Cigaal ee Magaalada Burco waxaana Cusbitaalka la geeyay caweysinkii isagoo dhaawac ah hase yeeshee,abaara 12:00 ayuu ku geeriyoodey Cusbitaalka Burco.
,Ciidamada Nabedgalayada Wadooyinka ayaa gacanta ku haya baadhista Shilka.