“Waxyaabaha Ugu Waaweyn Ee Sicir Bararka Keenay Waa Laga Wareegayaa Waana La Arkayaa” Xildhibaan Dheeg
February 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg ayaa xukuumada ku dhaliilay in aanay talaabooyin ka qaadin waxyaabaha sicir bararka iyo qiima dhaca ku keenay dalka kuwaas oo uu ku tilmaamay lacag xad dhaaf ah oo xukuumadii hore soo daabacday iyo lacagta qaadka oo doolar loogu dhoofiyo dalka Itoobiya.
