berberatoday.com
Turkiga Oo Shaaciyey Tirada Askar Lagaga Dilay Gudaha Dalka Suuriya
February 4, 2018 - Written by Berbera Today

Ankara(Berberatoday.com)-Meleteriga Dowladda Turkiga ayaa sheegay in sideed askari looga dilay dalka Suuriya gaar ahaan waqooyiga dalkaasi oo dagaalo qaraar ay ka socdaan.

Image may contain: one or more people, people standing, mountain, sky, outdoor and nature

 

 

Askartan ayaa lagu dilay dagaalka ka socda waqooyiga dalka Suuriya maalintii sabtida ahayd oo dagaalo badan ay dhaceen.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidanka Turkiga iyo Jabhadda Kurdishka ee dowladda Turkiga ay dagaalka kula jirto.

Iskahor imaatinkan ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu adkaa ee Turkiga uu kala kulmo Suuriya tan iyo intii uu aagan dagaalka ka bilaabay.

Isugeyn ciidanka Turkiga kaga dhintay dagaalka Waqooyiga Suuriya ka socda waxaa lagu sheegay 15 askari.

Waxaa sidoo kale dagaalkan qeyb weyn ka qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga oo la sheegay inay duqeeyeen fariisimo ay jabhada kurdiyiinta ay leeyihiin.

Turkiga ayaa dagaalka ku dhawaaqay bishii la soo dhaafay isagoo gudaha waqooyiga suuriya u diray kumanaan askari oo la dagaalama jabhada YPG.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews