Italy: Nin Rasaas Ku Furay Dad Ajaanib Ah Oo Dalkaasi Ku Nool !
February 5, 2018 - Written by Berbera Today
Italy(Berberatoday.com)-Ciidammada Bileyska Dalka Talyaaniga ayaa waxay sheegeen in nin u dhashay Dalkaasi
oo dirawal ahaa uu rasaas ku furay dad Ajaanib ah oo meel wado ah socday.
Ciidammada Bileyska ayaa xaqiijiyey in rasaastaasi ay dhaawacday 6 qof isla markaana
aanay jirin wax dhimasho ahi, afar ka mid ah dadkaasi dhaawacmay ayaa la sheegay inuu
dhaawacoodu aad u culusyahay sidoo kalena waxa la xaqiijiyay in dhammaan dadkaasi ay
yihiin dad ajaanib ah.
Dadkani ayaa sidoo kale la sheegay inay ka soo jeedaan qaarada Afrika waxaana la filayaa
in ninkaa caddaanka ah uu ku weeraray dadkaasi arrin ku sallaysan Cunsuriyad siday
sheegeen wakaaladaha wararka ee Dalka Italy ee Wargeyska Himilo ka soo xigtay.
Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Magaalada Matishraa ee badhtamaha Dalka Italy,
duqa magaaladaasi ayaa waxa uu usoo jeediyay dadka ku dhaqan Magaaladaasi inay
guryahooda aanay ka soo bixin ilaa iyo inta la ogaanayo sababta arrintaasi dhalisay