War degdega:- Socdaal degdega oo madaxweyne muuse biixi ku baxayo maanta iyo safarka ujeedadiisa + wadankuu ubaxayo
February 6, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta Salaasada Safar todoba Maalmood qaadan-doona ugu baxaya Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta+ Heshiiska Saldhiga oo dib loo Fasaxayo….
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maaanta oo Salaasa 6-da Bishan, ayaa safar qaadan doona muddo todobaadka ah ugu kicitimaya dalka isu tagga Imaaraadka carabta. Ma jiro War rasmiya oo kasoo baxay Xukuumada.
Hase-yeeshee ilo wareedyo looga qaateen ah oo ka ag dhow Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shabakada Warbaahinta berberatoday u sheegay in Madaxweyne Muuse Dawladda Imaaraadka kala soo xaajoonayo Arrimaha Saldhiga Mileteri, iyadoo xogguhuu intaas ku dareen in dhaqaale badan Dawladda imaaraadku soo siin doonto Madaxweynaha cusub.
wixii warara ee ka soo kordha kala soco berberatoday.com