“Ragga Muqdisho Naga Mucaaradaya Hargeysa Ayay Ka Mushahar Qaatan…”Proffesor Cali Khaliif Galaydh”Daawo Muuqal
February 7, 2018 - Written by Berbera Today
Minnesota(Berberatoday.com)-Siyaasiga hoggaamiya Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa markii u horaysay sheegay in Garaado iyo Siyaasiyiin isaga mucaarad ku ah oo Muqdisho ka abaabula shirar ka dhan ah wada hadallada Somaliland iyo Khaatumo mushahar fara badan ka qaataan Madaxtooyada Somaliland. Waxa uu sheegay in arrintaasi fajac ku keentay oo aanu fahmayn waxa macnaheedu yahay.
Cali Khaliif waxa uu ku dooday in ay rag badan oo markii hore barbar taagna isku seegeen wada hadalka Somaliland laakiin, aad mooddo in beesha Isaaq Ingiriiskii ka baratay nidaamka Qaybi Oo Xukun, islamarkaana ay midba af kula hadlayaan labada nin ee Dhulbahante ee wada socda waxaanu ku baaqay in wada hadallada loo dhiibo dad aan hawl kale hayn oo arrintani ka go’an tahay horumarna ka keeni kara.