Daawo Muuqalka”Wasaarad Ka Tirsan Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Yeelatey Laba Agaasime Guud Oo Isku Haysta Shaqadii Wasaaradaas Iyo Cid Kala Saarta Oo La Layahay
February 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada ka mid ah wasaaradaha xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa ay yeelatey laba Agaasime ka dib markii wasiirku laba wasaaradood oo kala ah wasaarada xanaanada xoolaha iyo Kuluumeysiga isku daray isla markaana aanu shaqada ka ereyin agaasimayaashi hore ee wasaarada Kaluumeysiga oo ay wasaaradahaasi ay hada isku noqdey hal wasaarad oo kaliya