Xukumada Somaliland Oo Go,aamo Adag Kasoo Saartay Colaada Labada Beelood Ee Walaalaha Ah Ku Dhexmartay Deegaanka Dararweyne Ee Gobolka Sanaag
February 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kal-fadhigii shanaad (5aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada
Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 08.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxaa si mug leh loogu lafo-guray dagaaladda dhexmara qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Somaliland, saamayn tabanna ku yeeshay bulshada Somaliland, sidoo kale waxaa wasiirradu dareen adag ka muujiyeen dhalinyarada rabshadaha ka sameeya magaalooyinka waa wayn ee dalka qaarkood.