berberatoday.com
Waa Sidee Xaalada Dererweyne Iyo Maatidii Ay Ku Dhacday Kugu Dhimay Oo Kaa Dhimay By Wariye Xabiib
February 9, 2018 - Written by Berbera Today

D41BA66C-5586-4B2C-98A8-5C05B5DC337EWaa Sidee Xaalada Dererweyne Iyo Maatidii Ay Ku Dhacday Kugu Dhimay Oo Kaa Dhimay By Wariye Xabiib Cige Friday February 09, 2018 DC537072-D211-4F2D-A9D4-403A3D1B6E0C

Dhacdooyinka mahadhada reebay ee ay saameeyeen Colaadii sokeeye ee ka dhacday deegaankaasi Waxay Reebtay Qisooyin ay kamid yihiin

88A0FFD4-F0C7-458D-AFF0-211AEA4320D1
Dararweyne (SM) 08.02.2018 Dhacdooyinka mahadhada reebay ee ay saameeyeen Colaadii sokeeye ee ka dhacday deegaankaasi Waxay Reebtay Qisooyin ay kamid yihiin

1. Waa Hooyo dhashay laba Wiil oo kala aabe ah waxaana mid kamida ka codsaday Hooyadii inay Qori u iibiso Si uu udifaaco Naftiisa, Maalmo yar kadibna wiilkeedii Kale waxa uu isna sidii si lamida ka codsay Hooyadii inay Qori u iibiso si uu naftiisa ugu ilaaliyo, Hooyadii dhashay labada wiil ee kala aabaha ah Way u iibisay inamadeedii qoryo si ay nafahooda ugu ilaaliyaan, Balse mid kastaaba waxa uu dhinaca kagalay dagaalka maalintu dhacay, nasiib xumo hooyadii waxa loo keenay wiilasheedii iyadoo midba daraf laga soo qaaday.

2. Dhacdada labaad waa hooyo dagaalka kaga dhinteen Ninkeedii iyo walaalkeed oo midiba daraf kasoo jeedo, oohin iyo ilmo ayay qabsatay gabadhaas wayday walaalkeed iyo ninkeedii balse nasiib xumo ragii ay ka dhalatay gabadhu waa la coleebeen iyagoo ku eedaynaya inay u ooyayso ninkeeda oo anay dan kalahayn walaalkeed, waxa kasii darnaa markii kuwo ay udhaxdayna ku colaadiyeen gabadhii inay u ooyayso walaalkeed oo aanay dan ka lahayn ninkeeda iyo caruurteeda.

3. Caruur badan ayaa ku agoomoobay, dumarbadan ayaa asayda qaaday sidoo kale sodog iyo seedigii, wiil iyo abtigii ayaa ku coloobey oo qoryaha isu qaatay.

4. Xabada uu hal nin ridaa waxay kusoo noqonaysaa gurigiisa oo laga hor barooranayaa, waayo waxay ku dhacday seedigii, ama sodigii ama inabtigii ama abtigii oo intuba darafka uu xabada ku riday ku jiraan.

Dadka Ku dagaalamay Dererweyne Waa Kuwo isu dhafan, majiraan qabilo isudhexgalay sida ay isudhexgaleen ee isugu tarmeen dadka wada deegaankaasi ee colaadu dhexmartay. Waxaa laysku dhahaa Habar-Lamaan. Waa Sodog iyo seedigii, Abti iyo inabtigii, eedo iyo habaryartii iyo hooyadii iyo aabihii oo goob wada yaala colaadina ka dhex qaraxday,
Dararweyne hadeer waxa ku sugan kaliya Maati isugu jirta caruur iyo dumarkii dhalay oo kaliya, ma jiro wax rag sheegta oo joogo marka laga reebo ciidanka qalabka sida ee sugaya amaanka deegaanka.,
Dadka ku sugnaa deegaanadaa ay colaadu ka dhacday waxa isugu darsamay Abaar baahsan oo shansano jirsatay, Colaad sadexsano jirsatay , gaajo iyo haraad aad udaran, guudkooda waxa ka muuqday Diif iyo darxumo ay udheertahay agoonimo iyo murugo geeriyeed, Alle haka korqade.

Haweenka halkaasi ku sugan hadalku waa ku dirqi, caruurtana hadalkooda daa, goobaha waxbarasho ee deegaankaasi waxa noqdeen xeryo ciidan oo ma jirto waxbarasho iyo caafimaad tona.

Waxa ugu daran ee maatidaasi haysata ayaa ah Biyo la,aan. Ma jiraan mucaawimo lagu badbaadinayo nolasha adage ee ay ku jiraan maatidaasi colaado saamaysay, marka laga reebo Hayada Bisha Cas Emaratka Oo Deeq Isugu Jirta Cunto kala duwan, Dhar Iyo Kabo aan kuwada filnayn balse dhiig joojina gaadhsiisay Dadkaasi Ay Dhibaatooyinku isugu Darsameen.

Sikastaba Xaalku Ha Ahaadee Waxa Deegaankaasi ka jira xaalad adag oo nololeed taasi oo sababi karta dhimasho kale, hadii aan Dawlad iyo Shiciba Wax La gaadhsiin Maatidaasi. Allena waa Ujeedaa Umadiisu Siday isu Kaalmayso.003A93C6-0E56-40B4-AE1A-1837E3D78AC522C26EDA-7BA7-4D4A-8405-6F6CC8806BE0

Qalinkii Xabiib Cigge
Dararweyne:

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews