Daawo Muuqalka”Wiilkii Uu Soddoga U Ahaa Siilanyo Oo Shirkad Gaar Ah U Diiwaan Gashaday Mashaariicdii Uu Ka Dillaali Jiray Berbera
February 10, 2018 - Written by Berbera Today
UEA(Berberatoday.com0-Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar(Morgan) oo ah Wiilka uu soddoga u ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa war-saxaafadeed uu Khamiistii soo saaray kuna baahiyey Degelka uu ku leeyahay Facebook-giisa waxa uu ku sheegay in shirkad lagu magacaabo ‘Somaliland Investment Company’ uu ka diiwaan geliyey dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, diiwaan gelinteeduna waafaqsan tahay shuruucda waddanka Ingiriiska sida uu sheegay.