berberatoday.com
Muse Bixi maxaa toosin uga baahan?
February 13, 2018 - Written by berberatoday berberatoday

Muse Bixi weli wakhti yar ayuu kursiga ku fadhiyaa, waxana isaga laaqan hawlaha hor yaalla iyo sidii uu kala hormarin lahaa, si uu dalka ugu hoggaamiyo tubta toosan. Laakiin waxa uu malaha weli la’yahay ciddii siin lahayd talo waafiya, oo uu wax kaga qabto catabadaha hor yaalla.

Tusaale ahaan, waxa dalka immiga aad u naafeeyey sicir-barar noloshii cirka ku shareeray, Musuq maasuq ay shaqaalihii ama shacabkiiba caadaysteen iyo qabyaalad maamulkii ragaadisay, shacabkii oo aan u sinnayn maamulkii iyo tayo xumo maamul. Afaraasi arrimood iyo kuwo kale oo la halmaalaaba, waa dhibaatooyinka uu Muse Bixi ugu yimid kursiga, laakiin Muse Bixi ma abuurin. Waxase looga fadhiyaa in uu gacanta gasho oo uu wax weyn ka qabto. Balse xukuumadda uu dhistay uma ega mid wax kala qaban karta oo kartideedii iyo aqoonteedii leh. Waxana ugu horreyn uu u baahan yahay in uu si deg deg ah u sameeyo isku shaandhayn, uu mar kale tijaabiyo sidii uu u heli lahaa mas’uuliyiin xul ah oo aqoon iyo karti u leh maamulka.

Waxase taasi ka horreysa sidii uu u heli lahaa LA TALIYAYAAL ruug caddaadi ah, oo hawsha hortaalla Muse Bixi hareerta la qabta. Isla markaana daacad u ah dalka iyo dadka. Sida aan hubana ruug caddaa milgalo leh, oo caalamka iyo maamulkaba wax ka yaqaannaana waa buux, waana in uu Muse arrintaa culayska saaraa. Haddii aanu la taliyayaashaasi helin waxa dhici karta in uu dalku dhibaatooyin badan wajaho.

Sida ay dhaqaala yahanna badani aamminsan yihiin, way fududdahay in SICIR BARARKA la xakameeyo iyada oo aan shirkado gaar ah loo yeedhin waxa ay samaynayaan amma aan la dejin sharciyo aan fulayn. Sida kuwii dhawaan ay xukuumadda Muse soo jeedisay.

Sidaasi dareeddeed, haddii lagu guulaysto in la tamceeyo SICIR BARARKA iyo FAQRIGA, waxa iyana xal deg deg ah loo heli karaa arrima badan oo ay dhaqaala xumidu cagaha ku wadato. Sida ammaan darrida, kala qaybsanaanta, caddaalad darrida, shaqo la’aanta, tahriibka iyo maamul xumada dirkaba.

Ahmedweli Goth

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews