Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Baahinta Wararkiisa Kooto Ugu Xidhay Saxaafad Gaar Ah Iyo Warbaahintii Kale Oo Uu Takooray
February 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa waxaa uu baahinta wararkiisa uu kooto ugu xidhay isla markaana uu u yeedha oo kaliya telefishano gaar ah kuwaas oo badankooda laga leeyahay Somaliland.

Wasiirka ayaa waxaa uu takooraa isla markaana wasaaradiisa laga celiyaa markuu hadalaayo inta badan saxaafada madaxa banaan ee Somaliland ka hawl gasha .