Cabdilaahi Jawaan Oo Soo Jeediyey Talo Ku Saabsan Wada Hadalada Djibouti Ku Qabsoomya
February 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu
horeeyey dalka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), ayaa soo dhaweeyey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee la filayo in Jabuuti lagu qabto, waxaanu xusay inay Jabuuti tahay Wadan dhex ka noqon kara wada hadalada.
Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey dalka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay wada hadalada “Kolay wey inoo wanaagsan tahay in wada hadalada Turkiga laga soo wareejiyo, sababtoo ah Turkigu wuxuu aad ula socdaa Somaliya, balse in wada hadalada Jabuuti la keeno wey fiican tahay, Jabuutina waa dal inoo dhex ah, waliba xaggeena ayey u dhawaanaysa, Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle xidhiidh aad u dhaw oo saaxibtinimo bay leeyihiin”.