Madaxweyne Biixi Oo Cagta Saaray Jidkii Xukuumaddii Hore Ee Dilaalidda Mashaariicda Imaaraadka, Una Muuqda Inuu Raali Ka Yahay Boobkii Hore Dalka Uga Dhacay
February 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Cumar(Baashe Morgan) oo ka mid ahaa xubnaha ugu awoodda badan qoyska Madaxweynaha ee talada dalka soo joogay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu udub dhexaad u ahaa hawlaha Imaaraadka iyo Somaliland gaar ahaan Mashaariicda in badan shacabku werwerka ka qabeen ee mudada uu dalkaasi masuulkankani joogay lagu dhawaaqay sida shirkadda DP-World, Saldhigga Milatari iyo kuwo kaleba waxa ay muddo badan dhaliyeen shaki iyo walaac bulshadu ka qabto sida ay mashaariicdaasi dano dhaqaale dalka ugu yihiin iyada oo in badan lagu doodo in aanay wali wax dan ah oo dalka uga soo kordhay jirin ayaa waxa haddana muuqata in siyaasadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ku sii socoto jidkaasi.