Proff. Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Hadlay Wada-Hadalada Somaliland & Soomaaliya, Heshiiskii Khaatumo Iyo Colaadda Puntland
February 17, 2018 - Written by Berbera Today
“Xaggaa barriga ee deriska laga yahay ee Puntland dagaalo badan ayaa ka socda oo ah kuwo Siyaasadeed iyo kuwo Qabaa’il lagu sheegayo oo maamulka laftiisii ah….” Prof. Cali Khaliif Galaydh
Jarmalka(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Khaliif Galaydh ayaa si adag uga hadlay wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo colaada Puntland saamaynta ay ku leedahay dadka ku nool gobollada barriga iyo waliba halkii uu ku dambeeyay heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo.
Siyaasi Cali Khaliif Galaydh ayaa arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu telefishanka HCTV ku siiyey dalka Jarmalka, ugu horreyna Galaydh oo ka warramaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxa uu yidhi “Wada hadalo hore way jireen oo waxa bilaabay Sh. Shariif (Madaxweynihii Soomaaliya), oo dalkaa Turkiga ayaa in badan lagu shiray, laakiin wax badan oo hadda la yidhaa way ka soo baxeen anigu maan arag, waa laga yaabaa inay jiraan waxyaabo qarsoodi ah, anigu se kuwaa ma arag, haddii la wada hadlayo dadkani way isku baahanyihiin oo anigu waan soo dhaweynayaa wada hadalo daacad laga yahay oo ay dadku diyaar u yihiin arrimo cul-culus ayaa meesha yaalla”.