Maxaa Ka Jira In Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysigu Ka Noqotay Xayiraadii Jilaabshada Kaluunka Noociisa Indho Tooshlaha
February 17, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta kaluumaysiga Xasan Gaafaadhi Ayaa Horaantii Bishii Jenawari Ee sanadkan 2018 Ku Dhawaaqay In wasaarada Ahaan Aay Joojiyeen Jilaabshada kaluunka Nooca Libaaxa Ah Ee Soomaalidu U taqano Indho Tooshle,
Hadaba Xiligan Oo Aanay Kasoo wareegin Labo Bilood Xayiraadii kaluunkaa Indho Tooshlaha Lagu Soo Rogay Ayaa waxaa Soo Baxaya In Dib Loo fasaxay,
Illo Xog Ogaala Ayaana Sheegaya In Wasaardu ka Laabatay Xayiraada Jilaabashada Kaluunka Indho Toosh,laha, Kadib Markii Cabsho badani Kaga Timid Kumanaan qof Oo Ka Shaqaysan Jiray kaluunkan JIlaabashadiisa,