Waa Kuma Ninka Looo Saadalinayo Inuu Noqdo Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Itoobiya Qoomiyadeese Kasoo Jeedaa
February 17, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Sida wararku sheegayaan waxaa xisbiga EPRDF ay u xuleen inuu noqdo raysal wasaaraha cusub Workneh Gebeyehu oo hadda ah wasiirka arrimaha dibadda.
Workneh Gebeyehu ayaa ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda, waa 50 sanno jir, wuxuu ka tirsanyahay xisbiga Oromo People’s Democratic party iyo xisbiga EPRDF ee tallada dalka Ethiopia gacanta ku haya.
Waa markii ugu horaysay ee taariikhda dalka Ethiopia uu raysal wasaare ka noqdo nin ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda oo sannadadii ugu danbeeyay wadday kacdoono ka dhan ah dawladda.
Waa Siyaasigii ugu da’ yara ee hogaamiye ka noqda Ethiopia, wuxuu wax ku bartay gudaha dalka Ethiopia isagoo shahdooyinka Cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka qaatay jaamacadda Addis Ababa.
Maalinta berri ah ayaa baarlamaanka Federaalka Ethiopia u ballansanyahay inay ansixiyaan raysal wasaaraha cusub