Daawo Muuqalka”Ciidammada Dab-damiska Somaliland Oo Ka Hadlay Askari Noqday Qareen Oo Ay Xabsiga Utaxaabeen
February 19, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliska Ciidammada Dab-damiska Somaliland, ayaa ka hadlay sababta loo xidhay qareen ka mid ah ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA, kaasi oo horena uga mid ahaa Ciidammada dab-damiska.

Taliyaha Ciidammada Dab-damiska iyo Agaasimaha Ciidammadaasi oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiikooda Hargeysa, ayaa eedaymo u jeediyey ururka Qareennada, waxayna faahfaahin ka bixiyeen Sababta loo xidhay Askariga Qareenka isku rogay.