Hadaba iyadoo laga joogo mudadii wasaarada maaliyada J/SL si rasmi ah ku wargalisay wasaaradaha inay la bixi karaan qarashaadkooda mushaharka shaqaaluhuna ka mid ka yahay 13 caanamaal ayaanay wali wax u hirgalay aanay jirin wasiir saajin iyo wasaaradiisa shaqaaluhuna u mashahar laayahay ma garan karno in madaxweynuhu arinkaa ka war hayo balse waxaa loo turjuman karaa sida madaxweyne muuse biixi xukuumadiisu qabyo u tahay ayay shaqadii wasaarada ganacsiga ,warshadaha iyo dalxiiskuna u qabya tahay sabobo la xidhiidha dadka xilalka ka hayaa oon qibrad ku filan iyo aqoon toona u lahayn xisaabaadka iyo maamulka una badan dad siyaabo kala duwan loo xushay ama hayb qabiil halagu soo xusho ama mid dhawanshiyo kale,
Su,aasha isweydiinta làhi waxay tahay waa maxay sababta keenta in nin walboo madaxa ah amaba maamul kastoo dalka soo maraa uga didaa ama u urursadaa aabahay goblanka? Maxaase keena educational phobia?
Iba xirka maqaalkeenan waa meerisyo ka mid ah maansadii gudgude 1990 Abwaan maxamed ibraahim warsame hadraawi illaahay cimriga how dheereeyee,
“Xaajadu markay gobo’da iyo, gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro, ruux ku gelayaaye
Arrin lalama guulee warkuu, gura yidhaahdaaye
Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiis
Gendi iyo dhukaan buu qabaa cudurro guumeed
Gogol wuu ku shaashoonayaa loo gudboonyahay
Sida goray fallaagoobay buu gooni joog yahaye,
Wabilaahi towfiiq