LUBNAAN: Dilalka Dhallinyaradu Waalidkood Kula Kacaan Oo Korodhay Iyo Wiil Aabihii Mindi Ku Dilay !
February 19, 2018 - Written by Berbera Today
Bairut(Berberatoday.com)-Da’yarta qaarkood ayaa waxay ku kacaan falal aad u fool xun oo cawaaqibka ka dhallanayaa noqonayo kuwa aan waligood ka daba hadhin qofka ku kaca amase geysta.
Dalka Lubnaan ayaa waxa ka dhacday dhacdo aad u fool xun oo gilgishay qulluubta dadka damiirka leh ee dalkaasi ku dhaqan, dhacdadan ayaa waxay tahay in wiil da’yar ah oo u dhashay dalkaasi uu qudha ka jaray Aabihii isla markaana uu ku gawracay mindi kadib markii uu ka waayey lacag uu weydiistay.