Xisbiga TPLF ee itoobiya oo Raysal-Wasaare Uwadata Lama Magarsa Sababta?
February 19, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Wararka aan kahelayno wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in kooxda TPLF oo taladii wadanka kaquusatay ay doonayso in ay hesho shakhsi maqaar saar ah oo ay ku adeegan karaan oo kadhashay qoomiyadaha tirada badan ee wadanka.
Sida xogta aan kuhelayno kooxda TPLF ayaa Raysal-wasaaraha cusub ee wadanka uwadata Lama Magarsa oo hada ah madaxwaynaha Gobolka Oromia, kaas oo sida lasheegayo leh awood aad ubadan oo dhinaca shacabka ah.
Lama Magarsa oo aan kamid ahayn xildhibaanada wadanka ayaa ladoonayaa in sharciga lawaafajiyo oo loomagacaabo xildhibaan heer fadaraal ah kaas oo qaab Raysal-wasaare ahaan usii joogi doona wadanka inta laga gaadhayo doorashada wadanka waasida ay kooxda TPLF tu doonayso e.
Kooxda TPLF ayaa doonaysa in ay ninkan ku qanciso qoomiyada kacsan ee Oromada, kuwaas oo qoomiyada Tigreega kuriday wal wal iyo walbahaar aad ubadan, waxaana lasheegayaa in ay kooxda TPLF tu baadhayso qofkii ay qaab maqaar saar ahaan ah ugu dhiibi lahaayeen xilka Raysal-wasaaraha si cimriga kooxdu uu usii dheeraado.
Dhinaca kale Major General Sadaqn G/Tansay oo ah nin mudo dheer kamid ahaa hogaanka ciidamada itoobiya ayaa waraysi uu warbaahinta siiyay kusheegay in loobaahan yahay in Mojer General Samore Yonis laga qaado xilka uu u hayo ciidamada maadama oo buuyidhi uu howlgab noqday.
Major General Sadaqn G/tansay ayaa sheegay in xilkaas lagu wareejiyo Berhanu Jula oo ah nin ay siway isugu dhawyihiin taliyaha sirdoonka itoobiya Getachew Asafa.
Khilaafkan cusub ee mar kale kadhex bilowday General lada Itoobiya ayaa muujinaya buurta lakala saaran yahay iyo sida la isu dabra gaynayo.