berberatoday.com
“Cumaamadaha Odaygii Ma Sido Loo Codayn Jiraye. Camalbaa Wakhtiga Laga Dhigtaa Caaqil-baan Ahaye. Caa,ilad Kastaba Waxa Hor Tuban Caagle Fara Weyne. Cug Nimaan Ku iman-baa Usida Calanki Reeraaye”Gabayga Cibaaro Iyo Abwaan Xiis Maxamed Cilmi Shanfool
February 22, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-CIBAARO Gabayga cibaaro wuxuu soo baxay 02.02.2018. Waxaa curiyay abwaan reer saaxil ah oo la yidhaahdo Xiis Maxamed Cilmi (Shanfool) Wuxuu kaga hadlayaa is bedelka hab dhaqabkii nololeed ku dhacay. Hadaba isagoo ku halqabsanaya nin aad u il dheer aragti fogna leh dulmigana aad u neceb oo la yidhaahdo cabdi ma gubte, Waxaanu yidhi:–Waxa Uu Yidhi”
Caqli liilan cudud lagu najaxo talo leh caynaano.
Cilmi iyo aqoonbaa wax qabad caawiyoo haga’e.
Cuqdad qabe intuu talinayiyo caajis iyo daalin.
Caqiibooyinkii qaran lahaa waa Cirkaa madow’we.
Mar haddaan ciroolaha la toyan waayo kala cayn ah.
Cimri wuxu usoo jiray dhegaa aad u culi waydo.
Culays malaha sheekada fadhiga laysku celiyaaye.
Merfeshyadu canjilis-bay noqdeen caadifaad badane.
Canaantana haddaan ficil ku jirin waa cadaysimo’e.
Aduunbaa cabdoow yaabanoo cadho ku haysaaye.
Colkii guusha soo taaban jiray ciida hoos mare’e.
Casarbay gameen duulkan aad ceelalyood tidhiye.
Cilmi iyo wax garad kii ahaa waa la caasiyaye.
Camaasiir markii lagu saliday aamus cadhadiiye.
Bal qiyaas cibaarooyinbaan kuu cabirayaaye.
Cumaamadaha odaygii ma sido loo codayn jiraye.
Camalbaa wakhtiga laga dhigtaa caaqil-baan ahaye.
Caa,ilad kastaba waxa hor tuban caagle fara weyne.
Cug nimaan ku iman-baa u sida calanki reeraaye.
Intuu cawda geedkaa la tegay yara cawaandooye.
Caleen saar garaabada ka dhigay uu markaa cunaye.
Ciin lays mar mariyaa bedelay caano shubistiina.
Bal qiyaas cibaarooyinbaan kuu cabirayaaye.
Haddii calafka laga beeri jiray midhaha ciideeena.
Casriyadan-ba siidhkeeni noqoy caalamkaa kale’e.
Cuduraa lasoo waaridaa lagu candhoobaaye.
Waxa caafimaadkeeni dilay cidi ma qimayne.
Bal qiyaas cibaarooyinbaan kuu cabirayaaye.
Dakhtarada culuum-laawe furay aan cadayn sidane.
xanuunada midaan cidi wax barin wawla cabanaaye.
Kuway dunidu soo caydhisaa loo camirayaaye.
Ma cisayno kii dhalad ahee caalimka ahaaye.
Canda dawlka iyo laajigii shacabka caameeye.
Mar hadduu cadaan yahay bulshadu gaalka caashaqe’e.
Balqiyaas cibaarooyinbaan kuu cabirayaaye.
Siyaasiga cantoobsiga ku mamay qaranki ceebeeye.
Caatayn midaan dhididinoo camal horow haynin.
Cishaduu kursiga fuulaybuu caydh ka baxayaaye.
Isagoo cimaarado dhistiyo fooqyo lagu ciido.
Hanti dhawr carkee buu ku yidhi tuuga caan baxaye.
Isna cuurashada kama qadoo waa cabiid kale.
Bal qiyaas cibaarooyinbaan kuu cabirayaaye.
Dambi culus qofkii lagu hayana ciidankaan qabane.
Laaluushka iyo caarif noqoy caydhin qayb-siga’e.
Cashuurahana ruuxii lunsada waliba caadaysta.
Camaalaqa kuwii sixi lahaa shilin cantuugsiiye.
Budhcada iyo waxa caymis galay kii ka celin laaye.
Bal qiyaas cibaarooyinbaan kuu cabirayaaye.
Dhalinyaro caqiidiyo ka tage dhaqan cudoonaaye.
calaamadaha reer yurub ku dayay caydigii kacaye.
Calalkii intoo laga ilbaxay cawro lagu faanye.
Casharada iblayskay dhigtaan jiil cawaankaniye.
Bal qiyaas cibaarooyinbaan kuu cabirayaaye.
Ragna cunista qaadkaa hodiyo cobol kusoo jeede.
Carruurtoo qaduu soo gataa toban caqaaroode.
Ciriq ciriq inoo raac xumaa waayay cudur daare.
Cunfigiyo sharkeenii markuu cayn kasta u baahay.
Waa waxa abaaraha cakiran loogu caal heline.
Sixir bararka waa waxa cunadi cidi u goynayne.
Dambiguu Cidhiidhigu ka yimi cadho ILAAHAY’YE.
Bal qiyaas cibaarooyinbaan kuu cabirayaaye.
Mar haddii cadaaladi luntoo khayr carsha carshoobo.
Cirkaa lagaga laalaa nimcada CAADIL qoom jaraye.
Cadad male inkaartiyo dulmiga loo cusburayaaye.
Carigeena duudsiga ka dhacay waad cajabaysaaye.
CASIISOOW hanuun iyo samaan kaa codsanayaaye.
Cafis iyo waxaan kaa dalbaday caam barwaaqo ahe.
Sharaftiyo Cisiga dowladeed raaji cidhibtiisa.
Somaliland cidhif ka cidhif yaanu cadow taaban.
Citiraaf adaa noo hayoo layga cajo jiidye.
Adigaa calool ruux ku jira siiya calafkiiye.
Carradana adaa waxa ku nool caabudkooda ahe.
Naga hay Colaad iyo dhib iyo col iyo dulaanba.
Carabkiyo ALLOOW Waxan idhaa yay cuqubo keenin.
Xaqa iyo cibaadada marnaba yaanan ka carceerin.
Cishadaan dhintana iga dhig kaan gelin cadaabtaada.
Jano nagu casuun iyo fardows ciilna yaan mudanin.
Cutubyada quraankaan RABOOW aan cuskanayaaye.
Adigaan naf kuu ciirsataa aanay cabanayne.
Codkan iyo RAXMAANKOOW ducada gee carshiga nuurka.
Caalamul islaamkana ALLOOW sii cadiyadaada.
DHAMAAD Xiis maxamed cilmi ( shanfool )
COMMENTS
|