Madaxweyne Ku Xigeenkii Kililka Oromada Oo Loo Doortey Gudoomiyaha Xisbiga OBDO+Xaaladii Itoobiya Oo Waji Kale Yeelatey , Akhriso
February 22, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-War deg deg ah oo hada soo gaadhay Warbaahinta dalka Itoobiya waxaa uu sheegaya in goor dhaweyd madaxweyne ku xigeenkii kilika Oromada Mr Dr Abiyyi Ahimad loo doortey in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga Oromada Ee OBDO .

Masuulkan ayaa la sheegay in loo wado in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF isla markaana la fili karo in uu noqon doona Raysal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya .