Ruushka: Baraf Gallaaftay Nolosha Gabadh Yar Oo Laba Jir Aheyd !
February 22, 2018 - Written by Berbera Today
Mosco(Berberatoday.com)-Gabadh yar oo u dhalatay dalka Ruushka ayaa geeriyootay kadib markii ay macalimiinteedu ku iloobeen barxadii dugsiga.
Gabadhaasi yar ayaa waxay ku jirtay dugsiga barbaarinta carruurta yaryar waxaana la sheegay in xilligii nusasaacaha kadib ay macalimiinteedu ku iloobeen barxada dugsiga waxaana halkaasi ka dhacayay baraf laxaad leh.
Gabadhani yar ayaa waxa la sheegay in barafka ku dhacay ee laxaadka lahaa awgii ay barafawday halkaasina ay ku naf weyday.
Macalimiinta dugsiga ayaa waxay ogaadeen in ardayad debada kaga yimaadeen laba saacadood kadib balse barafka halkaasi ka dhacay ayaa sababay dhimashada gabadhaasi waxaanu heerkulka magaaladaasi hoos u dhaafay Eber Degree waxaanu ahaa -5 waana sababta keentay in gabadhaasi yari ay tawafto