berberatoday.com
Xildhibaan Shaaca Ka Qaaday Malaayiin Dollar Oo World Bank Ku Caawiyay Somaliland Oo La Musuq Maasuqay, SDF-na Ku Eedeeyay Inay Gacan Wayn Ka Gaysatay Musuqa
February 22, 2018 - Written by Berbera Today

Borama(Berberatoday.com)-Xildhibaan Xasan Axmed Caynaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama ee Gobolka Awdal ayaa si cajiib ah u soo bandhigay 64-Milyan oo dollar oo uu sheegay inuu World Bank ku caawiyay Somaliland sanadkii 2017-kii islamarkaana lacagtaasi dhamaan la musuq maasuqay oo afka la iska mariyay,Waxa uu mid mid ugu dul istaagay qaar ka mid ah iyo meelihii loogu talo galay oo aan la gaadhsiinin,Waxa uu carabka u dhuftay lacag loogu talo galay Warshada laydhka Burco,Jidka Ceerigaabo iyo Dhuxul dhagax Hargeysa loo soo saarayay oo aan imika horteed shacab dhagahooda ku soo dhicin kuwaasi oo ay Masuuliyiintii Xukuumaddii hore lunsadeen,waxa kale oo uu eedayn Musuq Maasuq u soo jeediyay SDF.
Xildhibaanka oo Warbaahinta Boorama la hadlay ayaa waxa uu yidhi“Mashruuca World Bank oo Dhamaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya loo qaybinayay Somaliland waxay ka heshay 64 Milyan oo Dollar,lacagtaasi waxa loo qaybiyay Hargeysa,Burco iyo Ceerigaabo, Mashaariicdaasi la qaybsaday,dhamaantood midna ma hirgalin ee waa la cunay,Waxaa kujira 20-Milyan oo dollar oo loogu talo galay in Dhuxul dhagaxda Hargeysa loogu soo saaro,waxa ku jira 10-Milyan oo Dollar oo warshadda laydhka Burco loogu talo galay,mooyi in Warshadii la galiyay in inkale,Waxaa kujirtay dib u habaynta ama dayactirka Wadada isku xidha Burco iyo Magaaladda Hargeysa,Mooyi in la sameeyay in inkale,Waxaa kujirtay dib u dhiskii wada wayn ee Ceerigaabo oo 16 Milyan oo Dollar lagu soo qaatay”.
Sidoo kale waxa uu yidhi“Mashaariicda noocaas ah oo gobolkayagii Awdal wada dayacan yahay,oo wadadii Looyacado iyo Boorama Rafaadka ka muuqda,Waddadii Baki iyo Boorama isku xidhaysay aad arkayso dhibka ka taagan,waa qalad arintaasi,World Bank waxaan uga digayaa inay qaladkaasi ay samaysay noocadayso,waxaasi inay ugu talo gashay iyo in dhexda laga qaatay waxan,waxaa la sheegayaa 2016-kii in mashruucan oo kale oo 50-Milyan ahaa uu dalkan soo gaadhay,meel la yidhaa Gorgoray ayaa Mashruuc yar ama ceel yar oo laga samaynayay 400-kun oo Dollar lagu qaatay,50-Kun oo Dollar ayaa lagu sameeyay Ceelkii dhamaa”.
Ugu dambayn waxa uu eedayn culus u soo jeediyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF waxaana uu yidhi“Waad ogtihiin Hay’addii la odhan jiray SDF “Somaliland Developmenta Fund”,waxay Gobolka Awdal kala fadhidaa 2-Milyan oo biyaha loogu talo galay galbeedka Boorama,lacagtaasi markii la qiimeeyay waxaa la yidhi Milyan iyo Todoba Boqol waxaa la soo siinayaa Alaab,illaa hadda lamahayo meel ay ku dhacday,Hay’addiina waabay kacday ayaa la yidhi oo lacagtiina way cuntay”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews