Daawo Muuqalka”Doorashada Baarlamaanka Jabuuti Oo Saaka Loo Dareeray
February 23, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dalka Jabuuti waxaa saaka looga dareeray goobaha codbixinta
iyadoo dadweynuhu ay soo dooran doonaan baarlamaanka waddankaasi oo ka kooban 65 xubnood.
Kuraasta baarlamaanka 10 kursi mooye inta kale waxaa heysta isbahaysiga talada haya ee MRD, xisbiyada mucaaridka ayaa waxaa ay xooga sareen sidii ay xildhaano badan ugala soo bixi lahayeen magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaas
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://youtu.be/4LCDwOGX-14