Maxaa Ka Jira In Xukuumada Somaliland Hakad Galisay Saldhigii Ciidan Ee Imiraatka Carabtu Berbera Ka Dhisanaayay
February 25, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Saaka Xili Hore Ayaa Shaqadii Laga Joojiyay Shaqaalihii Ka Hawlgalayay Dhisida saldhigii Milatari ee Ay Dawlada Imaraadka ka dhisanaysay berbera,
Wararka Xog Ogaala Ayaa Sheegaya In Xukuumada Somaliland hakad galisay Shaqadii ka Socotay Dhismaha saldhiga Milatary Ee Imaaraaadka carabtu ka Dhisanayay Berbera iyo Dibu Dhiskii Ku Socday garoonka Diyaaradaha ee Berbera, Wararka Ayaa Intaa Ku daraya In Abaaro 7dii Subaxnimo Ay tageen Garoonka Diyaaradaha Berbera iyo halka uu ka Socdo Saldhiga Milatariba Mayorka Berbera Cabdishakuur Cidin, Xoghayaha maamulka dawlada Hoose iyo taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil Kadibna Amar Kusooo Rogeen In Shaqada la Joojiyo Ilaa Amar danbe,,