Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Xil Sare Umagacaabay Gafane Kamidii Kuwii Hore Dalka U Boobay Oo Madaxtooyadii Hore Xidid La Ahaa
February 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xil u magacaabay wiil uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Sodog u yahay,kaasi oo aan Xukuumaddii hore xil ka soo qaban balse siyaabo kale loo naasnuujin jiray.
Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo ah wiilka uu sodoga u yahay Madaxwenihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Maalintii Doraad ahayd Xilalka u magacaabay waxaanu masuulkan u magacaabay islamarkana uu Gudoomiye uga dhigay Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland,Hay’addani oo uu hore xilkeeda u yahay Masuul ay isla Madaxweynahaasi hore isku deegaan ka soo wada jeedaan oo muddo dheer xilkaasi hayay.