Cabashadda shaqaalihii wasaaradda warfaafin oo wali taagan!
February 26, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Wasaaradda warfaafintu waa wasaaradda ugu saammeynta badan wasaaradaha dalka waanna wasaaradda ugu cabashada badan intii aan arkayayba, waxaan aaminsan ahay inaan wali daawo loo helin halka cabashadu ku badan tahay taas oo aan wali ciddii cabashadda sababta u ahayd aan la taaban.
Wasaaradda warfaafinta shaqadeedu waa warfaafin sidaa awgeed shaqada u badan ee ka socotaa waa warfaafinta shaqaalaha.
Anigu waxaan aamin san ahay in shaqaalahaas 30 ka kor u dhaafay aannay wadda ahayn shaqaale u qalma in la waddo eryo oo laga qaado xilalkii ay hayeen, qaarkood waa muraayadda wasaaradda warfaahinta qaranka, qaarkoodna dalacsiin bay xaq u lahaayeen halka qaarna beddel u baahnaayeen.
Goormaa wax la beddellaa
Marka qofka shaqaalaha ahi uu shaqadiisii gudan waayo ama uu wax horumar ah ka keeni waayo, marka musuq, habsan iyo shaqo xumo kugu badato, sidoo kale waxa wax la beddelaa marka wasiirku/ masuulku shaqada ku cusub yahayna waa muhiim inuu meelo gaar ah wax ka beddelo.
Beddelku waa sunnaha dawladnimo cadho iyo ceebna ma laha se muhiimaddu waa horumar iyo dardar galin shaqo.
Wasiirka wax beddelayaanna ha noqdo wasiir go’aan leh oo indhihiisa waxkasta ku arkaya.
Shaqaalaha cabbanaya waxaan leeyahay fariintiinii meelkasta way gaadhay haddii beddelkiinu sax ahaana waa la arkayaa haddii uu khalad ahaanna waa la arkayaa ee intii aad caawin kartaan walaalihiina laydinku beddelay caawiya oo la shaqeeya.
Wasiirka Guri-Barwaaao waxaan leeyahay shaqaaluhu waa shaqaalahaagii qanci oo ku qanci beddelkooda una sheeg asbaabihii beddelkooda iyo qodobada aad u cugsatay una sheeg in isbeddelku sune yahay sidoo kale Sidii wasiiraddii kaa horeeyayna iskugu yeedh oo u qabo shir lagu xalinayo cabashadda shaqaalahaaga oo ay ku jiraan ragaan waligood caban.
Rakad Mxd Sultan