Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Norway
February 26, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey, ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Webjorn Heines.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga wada hadlay sidii dalka Norway uu qayb uga qaadan lahaa kana taageeri lahaa Somaliland, arrimaha maalgashiga, doorashooyinka wakiillada, iyo goleyaasha degaanka, sidii ay Norway u kordhin laheyd dhaqaalaha kaga qaybgasho sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF) iyo sidii ay qayb uga qaadan lahayd hirgelinta qorshaha labaad ee horumarinta Somaliland (NDPII) ee shanta sano ee soo socota.