Kalkaaliso Caafimaad Oo Saygeedii Iyo Hooyadeed U Khaarajisay Nin Ay Jeclaatay Awgii !
February 27, 2018 - Written by Berbera Today
Torino(Berberatoday.com)-Kalkaaliso Caafimaad oo u dhalatay Dalka Italy ayaa lagu xukumay soddon sanadood, kadib markii Kalkaalisadan caafimaad lagu eedeeyay inay dishay saygeedii iyo hooyadeed, markii ay la heshiisay nin dhakhtar ka wada shaqayn jireen oo ay is jeclaadeen kaasi oo ka caawiyay sidii saygeedii iyo hooyadeed loo khaarajin lahaa.
Kalkaalisadan oo magaceeda la yidhaahdo Lura Taroni ayaa da’deedu tahay 41jir, halka dhakhtarka kala qayb qaatay falkan aadka u foosha xuna magaciisa la yidhaahdo Linardo Castanega da’diisuna tahay 62jir.