Maraykanka Iyo Koonfur Afrika Oo Noqday Dalalka Ugu Kufsiga Badan Adduunka !
February 27, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Falalka Kufsiga ah ayaa ah dambiyada ugu waaweyn ee lagula kaco guud ahaan haweenka Dunida ku nool.
Dalalka Caalamka ayaa waxay ku kala badanyihiin xaaladaha kufsiga ee ka dhex dhaca dal kasta, iyada oo uu noqday dalka ugu kufsiga badan guud ahaan dalalka Adduunka Dalkaasi Maraykanka.
Dalka labaad ee ugu kufsiga badan Dalalka Caalamka ayaa waxa uu noqday Dalka Koonfur Afrika, sidoo kale Dalka Sweden ayaa waxa uu noqday Dalka saddexaad ee ugu kufsiga badan Dalalka Caalamka.