berberatoday.com
Odayaal Reer Boosaaso Ah Oo Madaxweynaha Somaliland Ka Codsaday In Loo Caddaalad-falo Nin Burco Ugu Xidhan Kiis Arxan-darro Ah
February 27, 2018 - Written by Berbera Today

Boosaaso(Berberatoday.com)-Waxgarad iyo Odayaal Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ee Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa ka hadlay Kiis loo haysto nin lagu Magacaabo Siciid Maxamed Faarax, kaasi oo ku eedaysan inuu kufsaday isla-markaana dilay Gabadh yar oo uu Hooyadeed qabay.

Warka Reer BoosaasoNinkan lagu Magacaabo Siciid Maxamed Faarax oo ku xidhan Magaalada Burco, ayaa dhawaan uu Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd sheegay in Siciid Maxamed Faarax yahay dambiilaha geystay Kufsiga iyo Dilka sida uu baahiyey Telefiishanka HCTV, laakiin Ehelada Ninkan ayaa sheegay in Siciid aanu qabin dambigaasi, taa beddelkeedana waxay Dilka Gabadha yar ku eedeeyeen Hooyadeed oo uu qabay Ninka Burco ku xidhan ee Kiiskan ku eedaysan.

Ehelada Siciid Maxamed Faarax ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo bahda Garsoorka ka codaday inuu Caddaalad helo “Waxaanu ka codsanaynaa Madaxda Somaliland oo uu ugu mudan yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Hay’adaha Garsoorka in Siciid uu Caddaalad helo.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Odayaasha Ehelka u ah Ninka kufsiga iyo Dilka ku eedaysan, waxaanu intaa ku daray inay khalad tahay in Badhasaab ku-xigeenka Togdheer uu baadhista kiiska oo socota uu Kiiskaa ku eedeeyo Ninka xidhan “ Badhasaab ku-xigeenku markuu hadlayey wuxuu sheegay in Dambigu ku dhan yahay Siciid.”

Mid kale oo ka mid ah Odayaasha arrintan ka hadlay ayaa soo jeediyey in Kiiska loo haysto Ninka lagu Magacaabo Siciid Maxamed Faarax loo wareejiyo halkuu ka dhacay Dambigu, “Haddii kiiska la habaabinayo waxaanu codsanaynaa in Kiiska lagu soo celiyo halkii uu ka dhacay.”ayuu yidhi.

Xubin kale oo ka mid ah Ragga u doodaya Ninka Kufsiga iyo Dilka ku eedaysan, ayaa isagoo soo bandhigaya Waraaqo badan, ayaa sheegay in Gabadha yar ee uu Dilkeeda ku eedaysan yahay Siciid Maxamed Faarax ay dishay Hooyadeed, isagoo xusay in Siciid laftiisu uu Waraaqo ku caddeeyay in Gabadha la dilay Hooyadeed oo Xaaskiisa ahayd ay dili jirtay Carruurta u calool gasha “Gabadhaa waxa dishay Hooyadeed, sababtoo ah waxa uu Warqaddaa ku caddeeyay in Gabadhaa uu qabi jiray ay dili jirtay marka Carruurtiisu Caloosha gasho (Ilmo u calool galo)..”ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Maalmihii u dambeeyay ayaa Warbaahinta Internet-ka waxa si weyn loogu baahiyey Sawirro laga soo qaaday Gabadh yar oo dhowr iyo Toban jir ah oo nabarro argagax lihi jidhkeeda ka muuqdaan, taasi oo la sheegay in Ninka Hooyadeed qabay uu kufsaday isla-markaana dilay, Ninkaasi oo lagu sheegay inuu yahay ka ku xidhan Burco, wallow warar kalena tibaaxeen in Ninka Burco ku xidhan uu Gabadha Cisbitaalka Guud ee Burco geeyay ka hor inta aanay Geeriyoon.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews