“Shiinaha Ayaanu Berbera Saldhig Millitari Ka Siinaynaa..” Xildhibbaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland
February 27, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada
Somaliland ayaa si adag u difaacay saldhigga Imaaraadku ku leeyahay Berbera, islamarkaana sheegay in ay waddamo kale siin doonan Saldhig Militari. Xildhibaanka oo waraysi siinayay warbaahinta Goobjoog oo Somalia laga leeyahay ayaa si adag isaga difaacayay wariyaha waxaanu u sheegay in ay indho u yeeshaan saldhigyada Muqdisho laga siiyay dalalka Turkigu ka mid yahay inta aanay indho u yeelan kuwa Somaliland bixinayso.
