“Ilmadaadu Waa Qaali Fadlan Ha Ooyin Waad Qosli Doontaa.”Mohamed Elneny
February 28, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Xulka dalka Masar iyo kooxda Arsenal Mohamed Elneny ayaa si weyn uga damqaday markii la soo bandhigay Sawir wiil yar oo Taageere u ah kooxda Arsenal oo ilmaynaya, kadib markii Naadigiisa ay Manchester City ka dhalisay Goolka 3-aad ciyaartii faynalka ahayd ee koobka Carabao Cup.

Mohamed Elneny” Waxaan aad uga damqaday markii aan arkay wiilka yar ee ka mid ah Taageerayaasha Arsenal ee ilmaynaya waxaan leeyay waxaan ku dhaartay in aan u dagaalami doono sidii aan kaaga farxin lahaa.Ilmadaadu waa qaali fadlan ha ooyin waad qosli doontaa.”