“Somaliland Oo Dawlad Ah Ayey Dunidu Aammini Waydaye Baashe Iyo Sacad Baa La Aamminayaa Qaranka Ma Qabato..” C/Kariin Axmed Mooge”Daawo Muuqaal
February 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Aqoonyahan falanqeeya arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda, ayaa Waraysi uu siiyey Telefeshinka Somalinews, waxa uu kaga warramay qodob ka mid ah go’aammo ka mid ahaa go’aammo ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ee Khamiistii inna dhaaftay ka qabsoomay Madaxtooyada oo lagu sheegay in tixgelin la siiyo Beelaha laga tirada badan yahay iyo Haweenka marka Hay’adaha Dawladdu shaqaale cusub qaadanayaan, Shirkadda Maalgashi ee Xukuumaddu sheegtay in Dawladda Somaliland leedahay oo Dubai laga diiwaangeliyey.