War Deg Deg Ah”Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaqadii Ka Joojiyay Wariyayaal Cabasho Ka Muujiyay isku Bedel Uu Ku Sameeyay Madaxda Waaxyaha Tvga qaranka Iyo Idaacada
February 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaarada warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo ayaa waxaa uu goor dhaweyd uu shaqadii ka joojiyey 24 wariye oo ka hawl gala telefishanka qaranka Somaliland .
Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu shaqaalahan uu mushaharkii ka joojiyey muddo 3 bilood ah isla markaana waxaa uu amray in aaney shaqalahani soo gali karn xayn daabka wasaarada warfaafinta muddo-daas saddexda bilood ah .
Warqada uu wasiirku amar ku soo saarey ayaa lagu sheegay in shaqo joojintan iyo ganaaxan loo maray xeerka shaqaalaha Somaliland