Daawo Muuqalka”Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Maayarka Caasimadda Hargeysa
March 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa Maanta ka hadlay Dhul Dawladda Hoose ka qorshaynaysay Duleedka Caasimadda oo Wasaaradda Hawlaha Guud Shalay ka joojisay.
Maayarka Hargeysa oo Maanta Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhulka ay wasaaradda Hawlaha guud ka joojisay yahay Dhul ay Dawladda Hoose Maamusho isla-markaana Maxkamadi xukuntay in la qorsheeyo, maaddaama oo la dhaxlayey.