Hooyo U Dhalatay Maraykanka Oo Ilma Yar Oo Ay Dhashay Ku Riday Shandadeeda Gacanta Si Uu Ugu Dhinto !
March 1, 2018 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Gabadh Da’deedu tahay 21jir Magaceedana la yidhaahdo Tiona Roudregas isla markaana degan New York ayaa lagu xukumay xadhig muddo dhan 16 sano.
Gabadhani ayaa lagu eedeeyay Ilma yar oo ay ku dhashay Suuli ku yaalla hudheel ka mid hudheelada magaaladaasi NewYork, kadibna waxay ilmaheedii yaraa ee ay dhashay ku qaaday shandadeedii gacanta ee ay sidatay.
Intaasi kadib ayaa waxay gashay Super market weyn oo ku yaalla Magaaladaasi waxaanay shaqaalihii Super market-kaasi ka shakiyeen inay Tiona xadayso dhar, laakiin markii shaqaalahaasi baadheen shandadii ay sidatay Tiona waxa laga helay meydkii ilmahaasi yar ee ay dhashay.