berberatoday.com
Warbixin’ Maalmaha Kooban Ee Madaxweyne Muuse Biixi Talada Hayay Iyo Bilowga Dhaliilaha Soo If-baxaya
March 3, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Tan iyo markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Talada Dalka Gacan ku haynteeda La wareegay 13 Dec,2017 oo wakhti xaadirkan ay ka soo wareegeen muddo aad u kooban kuna siman Affar Bilood waxyar dhiman, ayaay soo baxayaan dhaliilo badan oo dhankastaba leh haday Tahay Dhanka Bulshada, Wasaaradaha Masuuliyiinta uu u soo magacaabay, Kala Qaybsanaanta Bulshada, Saami Qaybsiga Beelaha Somaliland Wada daga, Wasaarada Maaliyada, Xalllinta Khilaafaadka, Xadhig Badan oo durtaba soo if baxay, Arrimaha Dibada,.

Dhinaca Saami qaybsiga Beelaha Ee Khayraadka Dalka, Arrimaha Amaanka, Arrimaha Dibada, Xadhiga Soo Badanaya iyo waxyaabo kale oo badan oo diirada aynu ku saari doono Faalladan.

 Saami Qaybsiga Beelaha Somaliland.

Bilowgii Xilwareejinta Madaxweynaha ayaa dad badani Naawilayeen in ay iman doonto xukuumad loo simanyahay dhamaan Somaliland oo dhamina ay ka dhex muuqato balse, Muddadii uu madaxweynaha ahaa Muuse Biixi waxaa uu soo saaray Digreetooyin iskugu jiray wasiiro, Agaasimayaal, Maareeyaal badiba ka soo jeeda beelaha dhexe ee somaliland oo aanay dhamaan beelaha darafyadu  helin saamigii ay ulanayeen Wallow cugashada madaxwayne biixi shaqsiyaadka uu doorbiday inuu xukuumadiisa ka mid noqdaan aanay ahayn dad aqoon iyo siyaasad midna lagu tuhmayo iskadaa inay ehel u noqdaane taasina ay tahay mid bulshada amakaag ku riday oo meeshana ka saartay xukuumadii koobnayd ee tayada lahayd lana saadaalinaayay.

Dhinaca kale Wasaarado ayaa iyagana laga dhigay Haayado Madax banaan, sidoo kale wasaarada Madaxtooyada ayaa iyadana loo daayay Agaasime Guud balse qabanaysa Shaqadii wasaarada, islamarkaana masuulka madaxtooyada agaasimaha looga dhigayna uu yahay shaqsi ay hayb wadaagan madaxwayne biixi iyadoo la filayay in uu nidaamkii madaxwayne silanyo ee ahaa in madaxtooyada uu wasiir ka noqodo shaqsi ay isku hayb yihiin in madaxwayne biixi uu badali doono qaabkaas ayaa iyana hungo noqotay oo waxa uu keenay waa qaabkii silanyo oo kale.

Hadaba Bulshada Somaliland ayaa siyaabo kale duwan kaga dareen celisay dhaliisha ugu weyn ee ah saami qaybsiga kuraasta dawlada oo aanuu madaxweynuhu si siman ugu qaybin beelaha wada dega Somaliland,balse dadweynaha ayaa xukuumada oo cusub wali ka rajo sugaya inay wax iska baddalaan iyo inay sidaa ku sii socoto.

Siyaasadaha Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha Iyo Arrimaha Dibada.

Wasaaradaha Muhiimka ah ee dalka sida arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibada, Maaliyada ayaa waxaa ka soo shaac baxayaa dhaliilo hordhaca walaw  xukuumadu ay cusubtahay, hadaynu eegno wasaarada arrimaha gudaha waxaa wasiirka aad loogu dhaliilay Dagaalkii Ceel afweyn taasoo wasiirku Taariikhda Maanta 24.02.2018 uu safar ku tagey sidii dagaalkaasi u bilaabmay, taasoo dad badani siyaabo kala duwan uga hadleen tilmaameena inay ku haboonayd in wasiirku isla markiiba shaqaaqadaasi wax ka qabto.

Siyaasada arrimaha Dibada ayaa ilaa hadda aan la saadaalin Karin halka ay saldhigan doonto, iyadoo wareegtadii u dambaysay uu Madaxweyne Biixi uu soo saaray  dhawaan uu Ergeyga Qaramada Midoobay u fadhiya Somaliland, ilaa haddana lama garanayo xilkaasi siduu u shaqayn doono iyadoo aanuu jirin xukuumadihii ka horaysay tan.

LA SOCO Qaybaha Danbe…

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews