Akhriso”Madaxweynaha Somaliland Oo Golaha Wasiirada Iyo Masuulyiinta Kale Ee Xukuumadiisa Amar Cusub Ku Soo Rogay
March 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xukuumadiisa ku amray in aaney warbaahinta isku marin hadalo ayiskugu jawabaayaan , taas badelkeedana waxaa uu faray in waxii soo kordha ay iskugu gudbiyaan qoraal rasmi ah .

Warar xog ogaal ah oo wargeyska Geeska Africa helay ayaa waxaa ay xaqiijiyey in madaxweyne Biixi soo saarey wareegto loo qeybiyey wasaaradaha xukuumada ,taas oo uu faray in ay mamnuuc tahay in masuulyiinta is qoonsada ee xukuumada ka wada tirsani ay warbaahinta iskugu jawabaan , waxaana uu faray in ay isku jawaabi karaan oo kaliya hab qoraal ah .