Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Dawladda Soomaaliya
March 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Dubai, waxaanu ku dhaliilay dawlada Somaliya inay heshiiskaas ku tilmaamtay mid aan shaqaynayn.

Faysal Cali Waraabe ayaa raysal wasaaraha Somaliya ku sheegay nin aanu go’aan ka go’in, isla markaasna dawlada Somaliya ayaa uu ku tilmaamay mid aan shaqaynayn, fasyal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlaayay Hargeysa waxa nuu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa dalalka ka qaybgalay saxeexaas ee Itoobiya,DP World iyo Somaliland, waa talaabo aanu soo dhawaynayno, waxaa halkaa ka muuqata in Somaliland ay noqotay dal la aamini karo oo laysku halayn kara oo heshiis gali kara oo la maalgashan karo, waxa halkaas ka muuqatay in wadamada Geeska Afrika halkii ay colaadi u dhaxayn jirtay in wax wada qabsi uu u dhaxeeyo, waa heshiis ay Somaliland sharci u leedahay,heshiisyo hore oo badan ayay aduunka la gashay, dawlada Somaliya magaca u ah waxaanu ku heshiinay wada hadaladii Turkiga 2013-kii in wadan kastaaba uu xaq u leeyahay inuu horumarkiisa samaysto.”