Muj Cali Guray Oo Arimo Xasaasiya ka Hadlay Muxuuse ka Yidhi Dhawaaqa Maamulka Muqdisho Ee Heshiiska DP World + Eeda faysal C. Waraabe. Iyo Arimaha Turkiga Iyo Qadar?
March 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay arinta Dekeda Berbera iyo Heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee ay kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya Iyo Dp World. Sidoo kale Mujaahid Cali Guray ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku saabsanaa Arinta Dekeda Berbera waxaana uu sheegay in ay Soomaaliya ka baxday heshiiskii ay Somaliland wada gaadheen intii uu socday Wadahadaladii u dhexeeyay oo ahaa in aanay Soomaaliya ka hor iman Mashaariicaha Horumarineed ee ay Somaliland wado. Dhanka kale muj cali guray ayaa si kulul uga jawaabay hadalo kasoo yeedhay gudoomiyaha xisbiga ucid oo uu ku tilmamay siyaasi fashilmay oo cidkasta oo isla soo sharaxdaa ayka badsanayso kalsoonida shacabka.