Nin Isku Toogtay Afaafka Hore Ee Aqalka Cad Ee Maraykanka+Daawo Sawirada
March 4, 2018 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in nin aan la garanayn uu isku toogtay afaafka hore ee Aqalka Cad ee Maraykanka.

Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen Sirdoonka dalka Maraykanka nin ayaa u soo dhowaaday darbiga Aqalka Cad gaar ahaan wadada Pennsylvania kahor duhurnimadii maanta xilliga Washington waxana uu ninkan soo baxsaday qori isagoo madaxa isaga dhuftay dhowr xabadood,