Dumarku Waxa Ay Ragga Uga Nugul Yihiin Xusuus Lunka Maskaxda Ee Ka Dhasha Hurdo La’aanta –
March 5, 2018 - Written by Berbera Today
Stokholm(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub oo ay samaysay jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden ayaa lagu ogaaday in dumarku ay hurdo la’aanta badan ka qaadaan xusuus lun, ay uga nugul yihiin ragga caafimaad ahaan la xaaladda ah ee iyaguna hurdadu ku yar tahay. Cilmibaadhayaasha ayaa tijaabooyin ay sameeyeen ku ogaaday in dhibaatada caafimaad darro ee hurdo la’aanta ka dhasha oo xusuus lunku ka mid yahay ay dumarka kaga badan tahay ragga. Xaaladaha kale ee ay dumarku si ragga ka badan u nuglaadaan marka ya hurdo la’aan badani heshana waxaa ka mid ah fiirada iyo baraarugsanaanta maskaxda oo ka lunta iyo diiqadda iyo xaalado nafsi ah oo ku yimaadda.