Dagaal Goor Dhaweyd Ka Qarxay Deeganada Gocondhaale Iyo Horufadhi Ee Gobalka Sool + [Tirada Dhimashada ]
March 6, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Burco (Berberatoday.com)_ Warar hada naga soo gaadhaya warbaahinta qaar ka mid ah ayaa sheegaya

in maanta uu dagaal ka dhex qarxay laba beelood oo dhul-bahante ah isla markaana wada dega deeganada Gocon dhaale iyo Horufadhi .
Labadan Beelood ee dirirtu ka dhex qaraxdey ayaa ah beelaha Reer Hagar iyo Hayaag , waxaana la sheegayaa in ay isku dileen deegaan cusub oo halkaasi beel ka mid ah ka sameysaneysay .
Wararka soo gaadhaya shabakadaha mid ka mid ah ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dhimasho badan oo labada dhinac-ba ah balse si rasmi ah tirada dhimashada looma xaqiijin.
Dagaalka ayaa ila sheegaya in uu hada si goos goos ah u socdo isla markaana labada dhinac ba ay isku ciidan uruursanayaan