Turkiga, Qadar Iyo Jabuuti Oo Xukuumadda Muqdisho Ku Khasbaya In Ay Erido Safiirrada Imaaraadka Iyo Itoobiya
March 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulamo albaabadu u xidhnaayeen shalay illaa habeen hore ayaa ka socday aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho taasi oo xildhibaano iyo jihooyin kale oo ay dabada ka riixayaan dalalka Jabuuti, Turkiga iyo Qadar ay xukuumadda Farmaajo cadaadis ku saarayaan sidii ay go’aan uga qaadan lahayd heshiiskii dhawaan Imaaraadka ku dhex maray dalalka Itoobiya, Imaaraadka iyo Somaliland ee saami qaybsiga maal-gashiga Dekedda Berbera waxaana kulamadii shalay la iskula qaatay go’aamo halis weyn galin kara xukuumadda yabyabka ah ee Muqdisho.